FIFA oo bogaadisay tartanka ciyaaraha ee ka socda Muqdisho

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa bogaadiyey tartanka ciyaaraha maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir kaas oo ka socda magaalada Muqdisho, xilli uu ku dhawyahay tartan dhammaadka, iyada oo la filayo in la soo gabagabeeya maalinta Isniinta ee inga soo aaddan.

Gianni Madaxweynaha FIFA ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ku baahiyay oo uu ku boggaadinaayo horumarka dhanka ciyaaraha iyo is dhexgalka bulshada ee ka socda Soomaaliya.

Madadweynaha FIFA ayaa soo qaatay qaar ka mid ah sawirro oo laga qaaday ciyaartooyda iyo taageerayaasha ciyaartii Galmudug iyo Banaadir oo Galmudug ay guusha ku raacday xilli ay u soo gudubtay kama dambeysta tartanka.

Tartannka maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa sanadkaan ka xiiso iyo taageero badnaa sannadihii hore ee la soo dhaafay, wallow ay xusid mudan tahay in tartanka aysandkaan ka soo qeyb galin dowlad gobaleedka Puntland oo arrimo siyaasadeed ugu hartay.

Todobaadkaan guduhiisa ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo tartanka, waxaana finalka wada jooga xulalka ku ciyaaraya magaca maamul gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo doonaya labadooda in ay ku guuleystaan markii ugu horreysay taariikhda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed