Halyeygii feerka miisaanka culus George Foreman ayaa geeriyooday isagoo 76 jir ah, sida laga soo xigtay qoyskiisa.
โQalbigayagu wuu jabay,โ qoyskiisa ayaa sidaa ku yiri qoraal ay soo dhigeen Instagram-ka. โDaaci aamin ah, nin daacad ah, aabbe jecel, iyo awoowe ku faani jiray wiilkiisa iyo waxqabadkiisa. .โ
Waxaa loo yaqaanay Big George , Mareykan-ku wuxuu ka dhigay mid ka mid ah kuwa ugu cajiibsan xirfadda isboortiga, isagoo ku guuleystay dahabka Olombikada 1968-kii wuxuuna ku guuleystay laba jeer horyaalka Miisaanka culus, 21 sano ayaa u dhexeysay โ kii labaadna wuxuu ka dhigay horyaalkii ugu daโda weynaa taariikhda isagoo jira 45.
Waxa uu lumiyay horyaalnimadiisa โโugu horeeysay ka dib kulan feer ahaa oo dhexmaray isaga iyo Maxamed Cali 1974. Laakin xirfada feerka ee Foreman waxaa uu haystay rikoorka ah in 76 guul oo ay ku jiraan 68 feeryahankii ka soo horjeeday uu dhulka dhigay, waxaa uuna dhankaas kaga horeeyay Maxamed Cali.
Waxa uu kaga adkaaday Kingston, Jamaica sanadkii 1973-kii xiddigii la holin waayay ee Joe Frazier, isagoo lix jeer garaacay labadii wareeg ee hore.
Laakiin waxaa dad badan ay aad ugu xusuustaan marka ay magaciisa maqlaan ciyaartii ka dhacday Dal ku yaalla Afrika.
Tartankii 1974-tii ay isku fara saareen Maxamed Cali kaasi oo ka dhacay Kinshasa, Zaire, oo hadda ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa weli ah mid ka mid ah ciyaarihii feerka ee ugu caansanaa ee abid la qabto.