Faysal Cali Waraabe ” Soomaliya waxay noqonaysaa Masarta labaad ”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in heshiiska ciidan ee Masar iyo Soomaaliya uu qalalaase galindoono Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in heshiiskaasi uu Soomaaliya ka dhigi doono sida Suudaan oo kale, isaga oo sheegay in dowlada Soomaaliya anay Madaxweyne Xasan Sheekh ka danbayndoonin.

“Dowlada beenta ah ee Xamar, Xasan Sheekh ka danbayn mayso, halkii u danbaysayna wuu ku dhuftayo heshiiska Masar wuxuu ka dhigayaa Soomaaliya Suudaantii labaad” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sheegay in dhawaan la arki doono xoogag kala taabacsan Masar iyo Itoobiya oo ku dagaalamaya guddaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in go’aanka uu heshiiska ku galay Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujinayo hoggaan xumo.

“6 waddan ayuu la galay heshiis millateri caqli xumadiisa, Somaliland, waa la saxeexaya heshiiska Itoobiya, iskaashi millatari ayaynu yeelanayna Itoobiya, dhaqaalaha waanu isku furaynaa, cid hor joogsanaysaana ma jirto” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan kala saxeexday heshiis iskaashi ciidan, waxaana la rajaynayaa in ciidamada Masar la keeno Soomaaliya. Itoobiya iyo Somaliland ayaa heshiiska kasoo horjeedsaday.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed