Farmaajo oo sheegay in Shirkii Wadatashiga Qaranka uu kusoo dhamaaday Fashil

Madaxweynihii hore ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa warsaxafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu fashil ku dhamaaday shrkii Golaha wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adag ugu dhaliilay hoggaanka dowladda federaalka inuu sabab u yahay fashilka iyo burburka shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu tilmaamay inuu kusoo dhamaaday natiijo la’aan kaddib wadahadal laba toddobaad qaatay oo ka dhacay Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Farmaajo in fashilka shirkaan uu niyad jab ku yahay Shacabka Soomaaliyeed, isagoona ku eedeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo inuu xukunka ku sii hayo qaab sharci daro ah.

Madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Federaalka inay u istaagaan samata bixinta dalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa badbaadinta dowladda.

Warsaxafadeedka Farmaajo ayaa kusoo aadaya, iyadoo Xafiiska Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu Xalay shaaciyay in wada hadalada dhex maraya madaxda harsan ay sii socon doonaan, islamarkaana kulanka uu dib u bilaaban doono 26-ka October.

Hoos ka akhriso Warsafaxdeedka Farmaajo uu soo saaray oo dhameystiran:-

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed