Fadhigii Baarlamaanka ee maanta oo baaqday

Kulanka labaad ee Kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo mudaneyaashu maanta ku ballansanaayeen sida ku cad fariinta loo diray ayaa u baaqday kooram la’aan maadaama ay xaadireen Xildhibaanno kooban.

Guddoonka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaannada ka maqan fadhiyada ee qaarkood jooga Magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay xaadiraan si ay u gutaan waajibaadkii ay u dhaarteen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Xildhibaannada qaar ay iska maqnaadaan iyada oo aanay jirin cudur daar laga hayo sida uu hadalka u dhigay.

Wax laga fiican yahay ayuu ku sifeeyay in Xildhibaannadu iska maqnaadaan Kalfadhiga oo u furmay halkii la rabay in ay ka qaybgalaan qodobada masiiriga ah ee horyaalla Baarlamaanka si ay u geeyaan metaaladdooda Shacabka.

“Xildhibaannada Magaalada gudaheeda joogo in uu shirka u baaqdo waa ku ceeb, Ummadda Soomaaliyeed waa ay inaga niyad jabeysaa, kulankeena waxa uu maanta u baaqday kooram la’aan” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS Sheekh Aadan Madoobe.

Kalfadhigii 4aad ayaa kulamo kamid ah waxa uu Baarlamaanka u baaqday Kooram la’aan waxaana uu Guddoonku gaaray heer maalin weliba si toos ah loo sheego xubnaha maqan bilaa fasaxa kaddibna waxa uu ku goodiyay in lala xisaabtami doonno.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed