Fadhiga Golaha wakiilada ee Somaliland oo maanta u baaqday kooram la’aan

Waxaa maanta baaqday Fadhiga Golaha wakiilada ee Soomaaliland, kaas oo lagu ballansanaa xasaanad ka qadista xildhibaan Maxamed Xasan Abiib, iyada oo laga jawaababayo warqaddii ay xeer ilaalinta Soomaaliland soo qortay taas oo ahayd in xilka laga qaado.

Fadhiga Golaha ayaa furmay balse aan wax codeyn ah la qaadin, maadaama oo golaha gaari waayay seddex meelood laba meel, kaddib ayaa guddomiyaha golaha ayaa xiraya fadhigii golaha.

“Kalfadhiga waa uu furmay oo waxaa fadhiyay 49- Xildhibaan, laakiin tirada meesha hawsha loo yimid ee ahayd eedda, oo u baahneyd 55- Xildhibaan, sababteed buu codka u dhici waayay, waxa ay dib u dhici doontaa kalfadhiga soo socda marka uu furmo. Xildhibaan xil laga qaadayo ma jirto, badi Xildhibannada waxa ay aaminsanyihiin eeddaas in ay ahayd mid la soo dhoodhobay.” Ayuu yiri: Mid kamid ah Xildhibaannada.

Fadhiga golaha wakiillada ayaa  imaanaya, xilli uu Xildhibaan Maxamed Xasan Abiib uu jooogo magaalada Boorame ee gobalka Awdal, iyada oo ay halkaas ku soo dhaweeyeeyn dad shacab oo aad u badan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed