Faahfaahin: Xabsiga Dhexe ee Xamar oo weerar lagu qaaday

Wararka ka imaanaya Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegaya in Israsaaseyn halkaas ku dhexmartay Ciidanka Xabsigaas ee Asluubta katirsan & Maxaabiis aan tiradooda la shaacin balse la tilmaamay in ay hub gacanta ku dhigeen.

dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in ay meesha ka dhasheen inkasta oo aan la xaqiijin karin tiradooda.

Faah-faahin lagama helin sida ay hubka u heleen Maxaabiistaan oo qaarkood Xukunno adag sida toogasho iyo waqti dheer ku xiran waxaana agagaarka Xabsiga hareereeyay Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka si aanay baxsasho u dhicin.

In hub uu gacanta u galo Maxaabiis ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar Ayaan ahayn dhacdo ugub ah ama cusub, waxaana sanadkii 2019kii sidaan oo kale ay ka dhacday isla xabsigaan iyada oo la sheegay in waqtigaas ay baxsadeen 3 xukunsano.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa looga fadhiyaa in ay faah-faahin ka bixiyaan arrintaan oo Su’aalo badan dul-saaran yihiin maadaama si adag loo baaro Dadka booqanaya Maxaabiista iyo kuwa u geeya waxyaabaha ay u baahan yihiin.

La soco SBC wixii kasoo kordha

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed