Faahfaaahin ka soo baxaysa duqeyn xalay ka dhacday Buuraleyda Calmiskaad

Puntland ayaa xaqiijisay in duqeymo labo ah ay Xalay (12kii Febraayo 2025) ka dhaceen buuraha Calmiskaad, waxaana lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan ISIS (Daacish), kuwaas oo badankoodu ahaa ajnabi. Duqeyntan ayaa sidoo kale burburisay gaadiid-qaadayaasha sahayda ee ay wadeen dagaalyahannada.

Duqeyntan ayaa qeyb ka ah howlgalka Puntland ay ku qaaday Buuraha deegaanadaas oo ay muddo deganaayeen dagaalamayaasha Ajanabiga ah ee kooxda waxaana dagaalka dhulka ay ciidamada Puntland qaadeen u bilowday bishii labaad waxaana dagaalka kooxda ay ku wadeyday dagaalamayaal badan iyo goobo muhiim u ah oo ay haysteen.

Duqeymahan caawa ayaa waxay ku soo beegmeen xilli Africom ay horey bishan Febraayo 2025 bilowgeedii qaadey duqeyn xoog leh oo ay ku beegsatay kooxdan taas oo lagu beegsaday saraakiil muhiim u ah kooxda oo u jiro nin ay dowlada mareykanku aad  u doondooneysay oo lagu magacaabo Axmed Maeleninine kaas oo la sheegay inuuu kooxda u qaabilsanaa qorista dagaalamayaasha, dhaqaalaha & howlgalada.

Duqeymaha Puntland caawa ay sheegtay in deegaanka Shebaab laga geystay ma sheegin dalka fuliyay balse hore Puntland waxay ugu mahadcelisay Dowladaha Mareykanka & Imaaraadka carabta kuwaas oo ay sheegtay inay ka saacidayaan Dagaalka ka dhanka ah ISIS.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed