Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si adag weerarka Israa’iil ku qaaday Iiraan, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.
Hadalkan ayaa yimid kadib wadahadal ay labada hoggaamiye ku yeesheen khadka telefoonka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Kremlin.
“Wadahadalkaas, labada dhinac waxay muujiyeen walaac xooggan oo ku saabsan kororka colaadda u dhaxeysa Iran iyo Israel, taasoo keentay khasaare badan oo nafeed isla markaana halis u ah xasiloonida guud ee gobolka muddo dheer,” ayaa lagu yiri bayaanka Kremlin-ka.
Putin iyo ErdoÄźan waxay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in lagu xaliyo khilaafaadka jira, gaar ahaan kuwa la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran, iyadoo la adeegsanayo waddooyin siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo keliya.
Bayaanka Kremlin-ka ayaa intaa ku daray in labada dal ay isla garteen in ay sii wadaan wadashaqeyn dhow si ay uga hortagaan sii xumaanshaha xaaladda gobolka.