Ehelada Nin ay ciidamada xasilinta Garowe ay dileen oo cadalad dalbanaya

Ehelada darawal mooto bajaajle oo lix cishe ka hor ay dileen ciidamada amniga ee magaalada Garowe, ayaa waxay ka cabanayaan in aysan helin wax caddaalad ah, iyagoo dhinaca kale diiday in la aaso maydka.

Maydka ayaa sidoo kale loo diiday in la galiyo talaagadda qaboojiyaha isbitaalka guud ee Garowe, waxayna taasi ku khasabtay inay u kireeyaan qaboojiye gaar loo leeyahay, si ay ugu keydiyaan maydka, illaa iyo inta laga helayo cid qaadata masuuliyadda dilka wiilkooda.

Hay’adaha amniga Puntland ayaa maalmo ka hor saxaafadda ka sheegay, in howlgal lagula dagaalamayay hubka sharci darrada ah iyo maandooriyaha, uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray shacabka, iyagoo sheegay inay qaadanayaan masuuliyadda arrintaas.

Hase ahaatee, qoyska marxuumka ayaa maanta sheegay in laamaha amniga Puntland ay albaabada ka laabteen, una diideen inay qaabilaan oo ay kala hadleen cabashada dilka wiilkooda.

Ehelada marxuumka waxay sheegeen in maalin kaste lacag ku dhow $200 ay ku bixiyaan kirada talaagada uu ku jiro maydka marxuumka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed