Duqii degmada Boosaaso oo ku dhawaaqay inuu xilka iskacasiley.

Guddoomiyihii golaha deegaanka ahaana duqii degmada Boosaaso Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga casiley xilkii uu ka hayey degmada labadii sano ee la soo dhaafay.

Iscasilaadda guddoomiyaha ayaa timid daqiiqado kahor furitaanka kal-fadhiga golaha deegaanka degmada Boosaaso oo loo madlanaa inuu saaka furmo.

Guddoomiye Shanle oo ka soo baxay xisbiga SINCAD ayaa xilka iska casiley kadib markii in ka badan 25 xubnood oo golaha deegaanka ah ay diyaariyeen mooshin xilka looga qaadayo.

Asbuucii la soo dhaafay waxaa xafiiska iska casiley guddoomiyihii degmada Carmo ee gobolka Bari, kadib markii uu ogaadey mawjado mooshin xilka qaadis ah oo ay ku soo abaabuleen xubno katirsan xildhibaanada golaha deegaanka degmadaasi.

Duqa degmada Boosaaso ayaa horay ugu soo baxay hanaan aan ahayn doorasho sax ah, kadib markii ay heshiis galeen qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda ee Puntland.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed