Duqa Garoowe oo amar ku bixiyay in Itoobiyaanku ay Magaalada iskaga baxaan

Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi Duqa Magaalada Garoowe ayaa amar ku bixiyay in Itoobiyaanka Jooga Xarunta Dowlad-Goboleedka Puntland ay isaga baxaan Ciddii diida ama fulin waysa amarkaasina laga qaadi doonno Tallaabo Sharci ah.

Duqa Garoowe ayaa sheegay in muddo lasoo dhaweynayay soogalootiga Itoobiyaanka ah balse haatan loo baahday in la xakameeyo qulqulkooda maadaama uu xad-dhaaf ku noqday caasimadda Dowlad-Goboleedka Puntland.

“Dadka Itoobiyaanka ah ee Magaalada kusoo galay Sharci darrada waa in ay isaga baxaan, in badan waxa aan ku dadaalnay in Dadkaas lasoo dhaweeyo laakiin hadda waqtieeda ayay gaadhay waxaana rabnaa in aan dadkaas u sheegno inta goori-goori tahay in ay isaga baxaan magaalada tan ee Garoowe, Qofkii aan ka bixin waxa uu ogaan doonnaa in isaga oo xirxiran laga saari doonno” Duqa Garoowe, Cabdulqaadir Geeddi.

Inta badan Soogalootiga Itoobiyaanka waxa ay Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland u tageen in ay uga sii tahriibaan Dalka Yemen iyaga oo doomo si qarsoodi ah uga raaca xeebaha Gobolka Bari gaar ahaan Boosaaso halka qaar kale ay ku haystaan shaqooyin kala duwan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed