Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa sheegay in ay ka hortageen weerarka qaraxyo ku billaawday oo ay AS ku qaadeen magaalada Masagawaa, isla markaasna ay hadda gacanta ku hayaan magaalada Masagawaa.
Sidoo kale, waxaa uu tilmaamay in ay khasaare gaarsiiyeen Xubnaha AS ee weerarka soo qaaday, wallow uusan tirada rasmiga ah sheegin.
Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Masagwaa ayaa sheegaya in xaaladda deggan tahay, barkhadiina la maqlay tiro duqeymo ah.