Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in dhammaan xubnihii wafdigii ka qeybgalay Shirka 113-aad ee Shaqaalaha Adduunka kaasoo ka dhacay Geneva ay si buuxda ugu soo laabteen dalka,

Wasaaraddu waxay beenisay warar ku faafay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo lagu sheegay in xubno ka tirsan wafdiga ay dhuunteen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in wararkaasi yihiin kuwo aan xaqiiq ahayn oo si been abuur ah loo faafiyay
Wasaaradda ayaa cambaareysay warbaahinta iyo qaar kamid ah dadka baraha bulshada caanka ka ah ee ku kacaya faafinta warar been abuurka ah,

Wasaaradda ayaa ugu baaqday warbaahinta iyo dadka caanka ka ah baraha bulshada inay ilaaliyaan anshaxa saxaafadda, kana fogaadaan wararka been abuurka ah ee danaha gaarka ah laga leeyahay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed