Dowladaha Spain & Ireland oo Safiirro cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ee danjirnimo ka guddoomay Danjirayaasha dalalka Spain iyo Ireland kuwaas oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu yiri, “Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa Wasaaradda ee Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka Jamhuuriyadda Ireland u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Caitriona Ingoldsby.”

Dhanka kale Wasiirka ayaa nuqul ka mid ah warqadaha Aqoonsiga ee Danjirnimo ka guddoomay haweenay lagu magacaabay Cristina Díaz Fernandez-Gil oo ah Safiirka cusub ee Boqortooyada Spain u fadhin doona Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda.

Danjirayaasha dalalka Spain iyo Ireland ayaa maalmaha soo socda la filaya in uu warqadaha Aqoonsiga ee Danjirnimo ka guddooma Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda safar shaqo ugu maqan dalka dibaddiisa.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed