Dowlada Xasan Sheekh oo lagu dhaliilay gaabsi shaqo

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen ku dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka ay soo saareen masuuliyiintaan ayaa waxay kaga hadleen arrimo badan oo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin in laga gaabiyay dagaalka ka dhanka ahaa Al-shabaab iyo in xadgudubka damaca Itoobiya siyaasada lagu wajahay aysan aheyn midii mudneyd.

Warsaxafadeedka ayaa sido kale lagu sheegay in madaxweynaha uu kaligiis isku soo koobay howlahii dalka, sida dhaqaalaha, siyaasadda, diblumaasiyada iyo dhinaca Bulshada, islamarkaana dalka uusan wali laheyn Wasaraddahii muhiimka ahee ee arrimaha dibada iyo Amniga.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed