Dowlada Soomaliya oo looogu deeqay $18 Milyan oo dollar

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa Dowladda Soomaaliya ugu deeqay $18 Milyan oo dollar oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ka dhasha Isbadalka Cimillada, kaas oo xilligaan saameen ku yeeshay adduunka.

Munaasibad kooban oo lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliya  ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan maaliyadeed, kaas oo dowladda Soomaaliya ku sheegtay in uu aad muhiim u yahay dowladda xiligaan la taagan yahay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo munaasibadda ka jeediyay khudbad kooban ayaa uga mahdceliyey, isaga oo ka hadlay faa’iidada uu Soomaaliya u lee yahay Mashruucaan iyo guud ahaan Wadashaqaynta Bangiga.

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maalnimadii shalay ka furmay shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika, kaas oo ay isugu imaanayaan dhammaan Hoggaamiyaasha dalalka Afrika, waxaana shirkaan Soomaaliya ku matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed