Dowlada Soomaliya oo hal arin ka codsatay IGAD

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta Muqdisho kusoo dhoweeyay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, oo horey u ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Kulanka ayaa ahaa mid kusoo beegmay waqti xasaasi ah, iyadoo Wasiir Fiqi uu kala hadlay Workneh Gebeyehu arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda Geeska Afrika iyo xiriirka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ka hadlay baahida loo qabo in IGAD ay kaalin muuqata ka qaadato sidii Itoobiya loogu soo celin lahaa dariiqa sharciga ah, si ay uga laabato heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland, heshiiskaas oo ay dowladda Soomaaliya u aragto mid xadgudub ku ah qaranimadeeda iyo madax bannaanideeda.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in xoghayaha IGAD loo dhiibidoono farriin cad oo ku wajahan xiisadda ka taagan Geeska Afrika, isagoo sheegay inay kalsooni buuxda ku qabaan in ururka IGAD uu kaalin weyn ka qaadan karo arrimaha ay isku hayaan Itoobiya.

Waxa uu sidoo kale caddeeyay in Soomaaliya aysan cadowtinimo u qabin Itoobiya iyo shacabkeeda. Balse wuxuu sheegay in hoggaanka Ethiopia ay yihiin kuwa ay farriintooda ku socoto ee loo baahan yahay inay dib usoo celiyaan caqligooda.

Inta lagu guda jiray kulanka, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo xoghayaha IGAD Workneh Gebeyehu Negewo ayaa Muqdishio ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan sidii Soomaaliya uga qayb qaadan lahayd barnaamijyada IGAD.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed