Dooni Yaman laga leeyahay oo lagu weeraray xeebaha Soomaliya

Taliska Midowga Yurub ee Howlgalka Atalanta (EUNAVFOR) ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar looga shakisan yahay in burcad-badeed ay ku qaadeen doon kalluumeysi oo calanka Yemen sidday, taas oo ku sugneyd meel u dhow degmada Eyl, waqooyiga Puntland, Soomaaliya, 9-kii Febraayo 2025.

Sida ay sheegeen saraakiisha Midowga Yurub ee xeebaha, weerarkan wali waxaa ku socda baaritaan, waxaana socda xiriir iyo is-kaashi lala sameynayo la-hawlgalayaal amni oo ka howlgala biyaha gobolka. Warbixinnada la xaqiijiyay ee ku saabsan dhacdadan waxaa lala wadaagi doonaa shirkadaha maraakiibta.

Howlgalka Atalanta ayaa xaqiijiyay gadiid badeedka maraya xeebaha looga baahan yahay inuu feejignaan sare u leeyahay si looga hortago qatar kasta  oo la xiriirta burcad-badeednimada si loo xaqiijiyo amniga badaha. Waxaa sidoo kale lagula taliyay maraakiibta ganacsiga iyo kuwa kale ee nugul inay iska diiwaangeliyaan nidaamka is-diiwaangelinta ee MSCHO (VRS), si ay u helaan kormeer hufan iyo jawaab degdeg ah oo ay bixin doonaan ciidanka Atalanta iyo la-hawlgalayaashooda amniga badda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed