Diyaarada Daallo oo Bosaso saaka ka soo dagtay

Diyaaradaha Daalo Airline oo ka soo kicintay dalka isutaga imaaraadka carabta kuna socota Mogdishi iyo Nairobi ayaa saaka ka soo dagtay dhow ka soo degtay garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ay shalay ka baaqatay safar ay kaga iman lahayd muqdisho kuna sii aadi lahayd dubia sabab aan weli faahfaahin buuxda laga bixin balse jiraan. Eedeymo hawada loo mariyay DF.

Wasaarada duulista hawada iyo garoomada Puntland oo xalay war soo saartay ku sheegtay in garoonka Boosaaso uu amni yahay uuna furan yahay.

Shalay waxaa sidoo kale baaqday duulimaadka ethiopian airline ee ka yimid addisababa soona maray garoowe kaas oo aan iman boosaaso weli xog badan lagama hayo in duulimaadkaas uu iman doono Boosaaso iyo inkale

Dhawaan aya garoonka diyaaradaha waxaa digniin dul dhigay Hay’adda PSF oo sheegtay in garoonka isticmaalkisa loo diiday taas badelkeedana ay qaadi doonan talaabo ka dhan ah garoonka waxayna digniin u direen diyaaradaha iyo dadka u dhow aga gaarka garoonka taas oo ka dhigan in hadii isku dhac ciidan uu garoonka ka dhaco ay khatar ka soo gaari karto diyaaradaha iyo dadkaba.

Degitaanka diyaarada daalo ee maanta timid ayaan ka dhigneyn in weli xal rasmi ah laga gaaray xaalada isticmaalka garoonka oo PSF ku doodeyso in xitaa dhaawacyada ciidankooda iyo saraakiisha sare loo diiday.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed