Waxaa magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay diyaarad siday xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Garoowe.
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in diyaaraddan ay hawada ku jirtay markii amar lagu siiyay inay dib ugu laabato magaalada Muqdisho.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambaysa go’aankan iyo cidda bixisay amarka lagu baajisay safarka xildhibaannada.
Safarka xildhibaannadan ayaa yimid ka dib markii ay casuumaad ka heleen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo si rasmi ah ugu yeeray xildhibaannada labada aqal ee laga soo doorto deegaannada Puntland.
Ujeedka kulanka loogu yeeray xildhibaannada ayaa ahaa wadatashi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay fashilmeen wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, taas oo keentay in Madaxweyne Deni uu dib ugu laabto Garoowe si uu latashi kala sameeyo xildhibaannada matala maamulkiisa masiirka dalka.
Weli Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland kama hadlin tillaabada lagu soo celiyay Diyaaradda.

