Bannaan-baxayo gilgilay magaalada Muqdisho….

kumanaan ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee diidan damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku qaadato qayb ka mid ah Badda iyo Dhulka Soomaaliy ayaa saaka iskugu soo baxay xarunta taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

shacabkan ayaa sida oo kale waxaa kala qeyb-galay dibadbaxyadan masuuliyiinta gobolka Banaadir iyo gudoomiyayaash degmooyinka.

Boorar ay ku xardhan yihiin “Soomaaliya Iib maah,baddeenna Iib maah, dadkeenu Iib maah,dhulkeenuna Iib maah,dadka ayay siteen shacabku waxaana ay sheegeen in ay si cad uga soo horjeedan faragalinta ay Itoobiya ku sameysay xuduudaha badeena.

Qaar ka mid ah Shacabka ka qayb galaya Bannaan-baxa looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso dhulkeena ayaa aragtidooda cabirey waxaan ay sheegeen in dhulka iyo badda ay yihin hanti dadweyne oo ay ka dhaxleen awoowayaashood lagana sii dhaxali doono oo jiilba jiil ka sii dhaxalidoono sida darteed aysan marnaba sinna suurta galay ku ahayn damaca gurracan ee itoobiya,

Goobaha waxbarashada iyo xarumaha dowlada ayaa gabi ahaanba maanta ahaa fasax goobaha ganacsigana waxaya ahayeen kuw ay albaabadu u xiran yihiin si loogu midoobo dibadbaxyadan maanta ka dhacay Muqdisho.

default

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed