Dhaqankan guurka ee ay Soomaalida iska shabbahaan dalkan ku yaal bartamaha Aasiya

Dadka Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqammo badan oo ku saabsan guurka iyo dhisidda qoys cusub. Waxaana ka mid ah hababka ay da’ yarta is calmada u maraan sidii ay u dhisan lahaayeen qoys cusub.

Mid ka mid ah waddooyinkan waxaa ka mid ah in la doono gabadha, iyada oo wiilka iyo gabadha midna uusan goobjoog ahayn badanaa, halkaas oo dhaqanka labada dhinac ay kala doontaan gabadha.

Mid kale oo dhacda waa in gabadha ‘lala baxo’ uuna la baxo wiilkii doonayey ama dad isaga wakiil u ah.

Ka hor inta aynaan u galin bulshooyinka kale ee ay Soomaalida iska shabbahaan dhaqanka guurka iyo waxa ay ku kala duwan yihiin; waa maxay la bixitaan ama la roorid? Cidba sida ay u taqaan.

Waa maxay la bixitaanku ?
Cabdinuur Rashiid Xasan oo ka soo jeeda mid ka mid ah deeganada looga dhaqmo la bixitaanka ayaa BBC u sharxay waxa uu yahay la bixitaanku.

“Wiilka iyo gabadhu marka ay is fahmaan ayey go’aansadaan in ay israacaan iyada oo uusan ogeyn waalidku siiba kan gabadha, kadibna waxaa la geynayaa reerka wiilka halkaas oo lagusoo dhawaynayo” ayuu yiri.

“Gabadha marka la gaarsiiyo reerkii loo waday waa loo imaanayaa, dhalin yartaa u imaanaysa, waxaa imaanaysa farxad iyo dhaqankii caadiga ahaa. Waa la isu imaanayaa” ayuu yiri Cabdinuur oo sawir ka bixinay marka gabadha la gaarsiiyo reerkii loo waday.

Intaas ka dib, odayaal ka socda reerka gabadha uu wiilkoodu lasoo baxay ayaa la dirayaa loona dirayaa reerkii gabadha lagalasoo baxay si ay u sameeyaan doonistii rasmiga ahayd.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed