Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Dhalinyaro ku dhibaataysnayd Liibiya oo dib loogu soo celiyay dalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, Waxaana laga soo dejiyay Garoonka Magaalada Muqdisho oo ay masโ€™uuliyiin ka tirsan Dowladda ay kusoo dhoweeyeen.

Wasaaradda ayaa bayaan ay kasoo saartay dadkaan maanta dib dalka loogu sooceliyay ayaa xustay in 74 ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee laga soo saaray xabsiyada dalka Libiya laga dejiyey magaalada Hargeysa, halka 87-da kale laga soo dejiyey magaalada Muqdisho, tirada guud ee dadkaan ay Xukuumadda Soomaaliya ka soo saartay xabsiyada dalka Libya ayaa ah 161 qof.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Libya Danjire Cabdi Aadan Diiriye, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta Maryan Yaasiin iyo Guddoomiyaha hayโ€™adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga qaranka, xubno ka socda UNHCR, Midowga Yurub iyo IOM ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey 87 qof oo kamid ah dadkii ay Dowladda Soomaaliya kasoo badbaadisay magefayaasha Libiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday sida hagar laโ€™aanta ah ee Dowladda Soomaaliya ay uga goโ€™an tahay ilaalinta Badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen, Dhanka kale Danjire Maryan Yaasiin, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha J.F.S u qaabilsan Muhaajiriinta & Xaquuqda Carruurta, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyadoo tilmaantay doorka muhiimka ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha Tahriibka.

Barnaamijkan Dib u soo celinta ayaa waxaa gacan ka geystay Midowga Yurub, IOM, iyo UNHCR, kuwaas oo wax ku biirintoodu ay lama huraan u ahayd fududeynta soo celinta Muwaadiintan Soomaaliyeed.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed