DG Koofur Galbeed oo qaylo dhaan ka soo saartay Abaarta

Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ka qayliyo dhaamisay xaaladaha abaar iyo macluusha ka dhalatay ee saamaynta taban ku reebtay deegaannada Dowlad-Goboleedkaas, waxa ay dalbatay in laga caawiyo Bulshada halkaas ku sugan sidii ay uga hortagi lahaayeen khatarta ay wajahayaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa sheegay in ka badan Nus Milyan ruux in ay cunno la’aan ku haysato deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Caruush ayaa intaas ku daray in ku dhowaad 200 oo kun oo Carruur ah ay macluul heyso, waxaana uu hadalkiisa kusii xoojiyay in bilaha soo socda xaaladdu kasii adkaan karto sida ay haatan tahay waa haddii aan roob da’in ama gargaar degdeg ah la helin.

“In ka badan 621 kun oo qof oo kunool Koofur Galbeed ayaa gargaar cunno oo degdeg ah u baahan, halka ay macluul wajahayaan in ka badan 134,970 oo Carruur ah, waxa aan Codsanaynaa in la caawiyo Dadkaan” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka DG Koofur Gableed, Cabdinaasir Cabdi Caruush.

Warbixinno dhowaan ay soo gudbiyeen Hay’ado ka shaqeeya Arrimaha Bani aadamnimada waxa ay ku sheegeen in abaarta ka jirta Koofurta, Waqooyiga iyo Bartamaha Soomaaliya ay saamayn taban ku reebeen Dad isugu jira Xoolo dhaqato & Beeralay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed