DFS & QM oo ka wada hadlay qorshaha kala guurka ee Howlgalka Kaalmaynta UNSOM

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa, Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway.

Kulanka Wasiirka iyo George Conway, ayaa diiradda waxaa lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah; sidoo kale waxaa lagu qaadaa-dhigay dadaalka dheeraadka ah ee Guddiyada farsamo ee labada dhinac ay muujiyeen iyo samaynta istiraatiijiyad taas oo hagaysa qorshaha kala guurka ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Sidoo kale kulanka ayaa ka lagu soo qaaday sidii loo unki lahaa xafiis Qaramada Midoobay ay ku yeelato dalka oo la mid ah kan ka dhisan dalalka kale, si loogu dhaqaaqo horumar, loogana guul keeno himillooyinka, loona gaaro horumar waara. Sida lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda.

Kulankaan ayaa ku soo aadayo xilli 22 June, 2024 ay iskugu yimaadeen Caasimadda Muqdisho Guddi farsamo oo kala matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed