Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa cambaareeyay dagaal maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah Dowlad-Goboleedka Jubbaland.
Fartaag ayaa dagaalka ka dhacay Magaalada Kismaayo dusha ka saaray Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Hoggaamiyaas in uu ka shaqeynayo dagaal sokeeye sida uu hadalka dhigay.
Magaalada Kismaayo waxaa ka taagan dareen ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay Bartamaha Magaaladaas ee u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo ilaalo ay wateen xubno katirsan Musharrixiinta isbaddel doonka ah.
La soco wixii kasoo kordha