DFS oo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda u dirtay Addis Ababa

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibedda ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa tan iyo markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafdiga Wasiiru dowlaha Arrimaha dibedda ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa garoonka Polo international Airport waxaa ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dalkaas.

Wasiir Balcad ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb gali doona shir-madaxeedka Midowga Afrika, kaas oo maalinta berri ah ka furmi doona dalkaas. “Qoraal kooban oo ay faafisay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri, Wasiiru Dowlaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaa Addis Ababa u yimid shirka 44aad ee golaha fulinta Midowga Afrika.”

Socdaalka uu Wasiiru dowlaha Arrimaha dibedda ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ku tagay dalka Addis Ababa ayaa ku soo beegmaya xilli uu tallaabo ay ka carootay dowladda Soomaaliya ay qaaday dowladda Itoobiya.

Horraantii bishii hore Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis is-afgarad ah la gaaray Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi Cabdi, heshiiskaas ayaa qeexaya in Itoobiya laga ijaaro dhul cabirikiisu gaaraya illaa 20 KM.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed