DFS oo war ka soo saartay dagaal ka dhacay Qorilugud

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed kasoo saartay colaado u dhaxeeya beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanada Qurilugud iyo Shangeed ee gobolka Togdheer.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaraddu ayay ku codsatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, iyadoo cambaaraysay shaqaaqooyinka sababay dhiigga daatay. Wasaaraddu waxay carrabka ku dhufatay baahida loo qabo in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka si looga hortago khasaare kale oo nafeed.

Wasaaraddu waxa ay kula dardaarantay odayaasha dhaqanka, aqoonyahanka bulshada, haweenka, iyo waxgaradka in ay kaalin mug leh ka qaataan nabadda, si wada jir ah looga shaqeeyo soo celinta xasiloonida iyo in la abuuro dariiq loo maro wada noolaansho.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha bulshada iyo dadka u ololeeya nabadda inay nagu soo biiraan dadaalkan muhiimka ah. Waddada loo marayo waa in ay noqotaa wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maalintii shalay ayay ahayd markii dagaal u dhaxeeya maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Somaliland iyo SSC Khaatumo uu ka dhacay deegaano miyi ah oo hoos yimaada degmada Buuhoodle. Waxaa dagaalkaas ka dhashay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labada dhinac ayaa lagu eedeynayaa inay dabada ka riixayaan colaadda, iyadoo ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka kala tirsan labada dhinac ay qeyb ka yihiin colaadda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed