Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadalo kula jirta Qaramada Midoobay, si looga gudbo howlgalka gaarka ah ee siyaasadda loona gudbo qaab-dhismeedka kooxda QM.
Dowladdu waxay sheegtay in howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay ay qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona, kaas oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.
Guddiga farsamo ee Soomaaliya waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM waxaa hoggaaminayay ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.