DFS oo soo bandhigtay ninkii AS u qaabilsana Maaliyadda gobolka Mudug

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Cabaas Shiikhdoon oo ahaa Madaxii Maaliyadda AS u qaabilsanaa Gobolka Mudug isga oo maanta isku soo dhiibay Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ka hawlgala degmada Hobyo iyo deegaanada hoos taga.

Taliyaha Booliska Hobyo L/Xidigle Maxamed Cadceed ayaa warbaahinta u sheegay in ninkani xubin ka ahaa Al-shabaab, balse hadda u go’aansaday in uu isku dhiibo ciidamada Amniga.

Sidoo kale, Cabaas ayaa saraakiisha ciidanka u sheegay in Al-shabaab uu kaga biiray degmada Xarardheere, isaga oo dadka shacabka ah ka uruuri jiray lacago iyo xoolo.

Cabaas ayaa Ciidanka mar ku dhaawaceen duleedka deegaanka Xinlebi ee gobolka Mudug, isaga oo sheegay inuu u adkeysa waayey xaaladda ay ku jiraan  Al-shabaab, sidoo kale xiriir la soo sameeyo saraakiisha ciidamada, iyadoo looga hortegay aagga deegaanka Caad.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed