DFS oo si rasmi ah u daahfurtay Kaarka Qqoonsiga Qaxootiga

Hay’adda Qaxootiga Qaranka ayaa maanta daahfurtay diinwaangelinta kaarka qaxootiga iyo magan galyo doonka ku sugan gudaha Soomaaliya, si qeyb ugu qaadato amniga iyo la socoshada dhaqdhaqaaqooda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay galay guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga,  madaxda Hay’adda UNHCR, Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cali Xoosh iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xoosh ayaa tilmaamay in ay muhiim u tahay in ay dadka qaxootiga helaan kaarka qaxootiga iyo magan galyo doonka si loola socda dhaqdhaqaaqooda.

“Waa fursad in maanta dalkeena loo soo haajiirayo, waxay muujineysaa isbeddelka nololeed iyo in ummado kale dalkooda dhaqan yahay ku noolaan karaan,” ayuu yiri, Wasiirka Arimaha Gudaha XFS Cali Xoosh.

BixiNta kaararkaan qaxootiga ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya sannadahii u dambeeyay soo gaarayeen dadka ajaanib-ka ah, kuwaas oo dalka u soo qaxeen si ay u helaan magangalyo.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed