Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda aan gorgortan geli karin ee ku aaddan madaxbannaanida, midnimada qaranka, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, sida ku cad Dastuurka Ku-meelgaarka ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Midowga Afrika.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 26-ka December 2025 ayaa si cad u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gebi ahaanba diidday tallaabada sharci-darrada ah ee Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga waqooyiga Soomaaliya, taas oo lagu tilmaamay xadgudub toos ah oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo qaranimada dalka. Dowladda ayaa carrabka ku adkaysay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah, isla markaana aan laga goyn karin dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladdu waxay sheegtay in Soomaaliya tahay dal mid ah, aan la kala qaybin karin, isla markaana aysan jirin cid dibadeed oo awood u leh inay wax ka beddesho midnimada ama xuduudaha dalka. Qodob kasta ama heshiis kasta oo lagu wiiqayo arrintaasna uu yahay mid waxba kama jiraan ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in arrimaha la xiriira midnimada, maamul wanaagga, iyo nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya ay yihiin go’aan u gaar ah shacabka Soomaaliyeed, laguna xallin karo oo keliya hab sharciyeysan, dastuur ah, iyo mid nabadeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa is-determinaynta, iyadoo si adag u diidday gumeysi, barakicin khasab ah, iyo ballaarinta degsiimooyinka sharci-darrada ah.
Sidoo kale, dowladda ayaa caddeysay inaysan marnaba oggolaan doonin in dhulkeeda laga hirgeliyo saldhigyo ciidan oo shisheeye ama heshiisyo horseedi kara dagaallo wakiilnimo ah ama khilaafaad caalami ah oo lagu soo raro Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka digtay in tallaabooyinka noocan ah ay halis weyn ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay carqaladeyn karaan dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, sida Al-Shabaab iyo Daacish, iyagoo abuuri kara fursado ay kooxaha argagixisadu ka faa’iideystaan xasillooni-darro siyaasadeed.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay muujiyaan midnimo, feejignaan, iyo go’aan adag oo lagu difaacayo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka. Waxay sidoo kale ugu baaqday dowladaha iyo saaxiibada caalamiga ah inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, kana fogaadaan faragelin ku ah arrimaha gudaha ee Soomaaliya, iyagoo doorbidaya nabad, xasillooni, iyo amni waara oo ka hanaqaada Geeska Afrika.

