DFS oo sheegtay in tobanaan ruux ay ku dileen Howlgallo ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada xoogga oo kashanaya dadka deegaanka ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in howlgallada ay ka fuliyeen Beera Yabaal, Caddow Gurey iyo kuwa kale oo ku yaalla Jiinka Webiga Shabeelle.

“In ka badan 40 AS ayaa lagu dilay howlgallada ay ciidamada ka wadaan deegaannada bariga gobolka Hiiraan, waxaana jira dhaawacyo, howlgallada weli waa ay socdaan” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale, Afhayeen Shiikh Abuukar wuxuu sheegay in deegaannadii lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada Amniga ayaa xoojiyay howlgallada ay ka fulinayaan gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ka dhan ah AS.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed