Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal si wadajir ah isaga kaashadeen Maraykanka oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxa ay shaacisay in lagu dilay saraakiil katirsan ‘AS’
Warsaxaafadeedka Dowladda ayaa lagu sheegya in howlgalkaan oo ahaa mid duqeyn cirka ah lagu beegsaday saraakiil katirsan ‘AS’ oo ku sugnaa Gobolka Shabeelaha Dhexe loogana hortagay weerar ay la damacsanaayeen Magaalada Alkowsar.
Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay iskaashiga ka dhanka ah ‘AS’ ee Ciidamada Federaalka, Maraykanka iyo Dadka deegaanka ee Macawiisleyda ay kawadaan Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Maraykanka ayaa kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Dalka, todobaadyadii ugu dambeeyay diyaaradaha Drones-ka ee duulliye la’aanta ah waxa ay beegsadeen saldhigyo ay ku sugan yihiin ‘AS’ iyo Daacish.