DFS oo sheegtay in la yareeyay khasaaraha qarixii ka dhacay Xiro Damaayo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda ay yareen khasaaraha qarixii ka dhacay bannaanka xiro Damaanyo.

“Waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah, Ciidanku waxa ay ka hortageen in ninka gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Hay’adaha amniga ayaa haatan ku hawlan baaritaanno ku saabsan dhacdada iyo xaqiijinta khasaare kasta oo ka dhashay.”

Ku dhawaad toban ruux ayaa la diiwaan galiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxa ka dhacay aaga xirada Damaayo oo xilligaasi doonayay in ay isu diiwaan galiyaan ciidanka xoogga.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed