DFS oo sheegtay in la soo afjaray weerarkii Xabsiga dhexe

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, kaasi oo ay ku lug lahaayeen xubno kamid ah Maxaabiista.

Afhayeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray askarta iyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

“Waa la soo afjaray howlgalka 11:00 AM, waxaa ku geeriyooday 5 kamid ah maxaabiista, halka 18 kalena ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha askarta soo gaaray uu yahay 3 dhimasho ah iyo saddex dhaawac ah.

Ugu dambeyn, Afhayeenka ciidanka asluubta ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu sameynayo sida qaar kamid ah Maxaabiista ay ku heleen hubka.

Sidaan oo kale sannadkii 2020, waxaa xabsiga dhexe ka dhacay shaqaaqo lamid ah tan maanta, waxaana khasaare ka soo gaarey dad isugu jira maxaabiis iyo askar.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed