DFS oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya sare u kacay sadankii 2024.

Hay’adda Istaatistikada Qaranka ayaa soo saartay warbixin muujinaysa koboc dhaqaale oo la taaban karo ee sanaddii 2024, iyadoo wax-soo-saarka gudaha (GDP) uu kordhay 4.1%, marka la barbar dhigo sanadkii ka horeeyay oo uu ahaa kororku 2.3%.

Qiimaha wax soo-saarka guud ee 2024 ka ayaa gaaray $1.9 bilyan, halka uu sanadkii ka horeeyay  ahaa $1.7 bilyan.

Ilaha kala duwan ee dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga iyo adeegyada ayaa dhammaantood muujiyay koror kala duwan.

Beeraha iyo kalluumeysiga ayaa mid walba waxaa ku yimid  koboc gaaraya 2.2%  , halka waaxda xoolaha laga diiwaangeliyay 0.8% oo sare u kac ah.

Adeegyada ayaa iyaguna  koror xooggan sameeyaan sababo la xiriira ganacsiga oo soo kabanaya.

Saadaasha sanadka 2024 ka oo dhan  waxay muujinaysaa in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu gaari karo 4.2%.

Hay’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa iyaguna saadaaliyay koboc togan, iyagoo ku qiyaasay GDP-ga Soomaaliya inuu gaari doono 3.7% sanadkan.

Tillaabadaasi ayaa muujinaysa Kalsoonida ay Beesha Caalamku ku qabto dhaqaalaha dalka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed