DFS oo sheegtay in ay wado mashruuc lagu taageerayo Barakacayaasha

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Golaha Horumarinta Qaranka, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo ka hadlay Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo mashruuc lagu tageerayo
1 milyan oo barakacayaal ku nool gobolada dalka.

Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa inta ku daray in wasaaradda ay wakiil ka tahay dajinta qorshaha Qaran ee ay kuwada shaqeynayaan wasaaradaha Qorsheynta ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada, waxa uu sheegay in hadda uu soo dhamaaday qorshihii sagalaad ee mudda 5-sano ah soo socday, hadana ay ka sheqeynayaan kii badali lahaa shanta sano ee soo socoto.

Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Qorsheynta dowladda ayaa lasoo gaba gabeeyay waxan ka qeyb galay Wasiirrada Qorshaynta ee maamul gobolleedyada dalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed