DFS oo sheegtay in ay duqeymo ka fulisay deegaan hoos yimaado Kismaayo

Duqeymo culus ayaa ka dhacay deegaan 40 KM dhanka Waqooyiga Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay duqeynta, iyada oo sheegtay in lala beegsaday xubno ka tirsan AS.

Dowladda ayaa u mahadcelisay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo ay sheegtay in ay ka taageereen duqeynta.

“Dowladda Federaalka waxay u mahadcelineysa Taliska AFRICOM, waana sii wadi doona duqeymaha aan la beegsaneyno goobaha ay ku sugan yihiin AS” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Dowladda

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta oo saacadihii la soo dhaafay dhacday, Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrikana kama hadlin.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed