DFS oo shaacisay Natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada kasoo baxday Imtixaan sanadka 2023-2024 oo dhowaan ay ka qaadday Arday dhan 36,035.

Imtixaanka waxaa ku baasay Arday gaaraysa 33,130 halka ay ku dhaceen 2,905 Arday sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sababta dhicitaanka Ardayda keentay ayaa lagu sheegay in qaarkood lagu qabtay qish intii lagu guda jiray Imtixaanka maalmihii uu socday sidaas awgeed la baabi’iyay natiijadooda sida lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

“Sanadkan Imtixaanka fasalka 12aad waxaa si rasmi ah ugu fadhiistay 36,035 oo arday, Waxaa la baabi’iyay natiijada 2,905 arday oo lagu qabtay qish intii uu socoday Imtixaanka” ayaa lagu yiri warka lagu shaaciyay Natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad.

Maadooyinka ugu badan ee la baabi’iyay natiijadooda waxa ay kala yihiin:

Carabiga waxaa laga baabi’iyay 443 Arday.

Fiisigis oo laga baabi’iyay 435 Arday.

Juqaraafiga, Taariikhda iyo Xisaabta oo iyanna Arday kale laga baabi’iyay, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadaan ay tahay tii ugu horreysay ee Wasaaraddu qaado.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed