DFS oo sare u qaadaysa ka-hortagga cudurka Furuqa Daanyeerka MPOX

Dowladda Soomaaliya ayaa sare u qaadaysa dadaallada ka hortagga cudurka furuqa daanyeerka (mpox) kadib markii Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo degdeg ah oo ka jirta Afrika.

Cudurkan, oo si ba’an u saameeyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), ayaa haatan ku fiday 13 waddan oo Afrikaan ah, taas oo keentay cabsi laga qabo in uu ku faafo dalal kale oo caalamka ah.

Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC) ayaa isbuucan ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo degdeg ah, iyadoo ku baaqday in caawimaadda caalamiga ah la soo dedejiyo. Dalka DRC waxaa laga diiwaangeliyay in ka badan 14,000 oo kiis iyo 524 dhimasho ah—kiisaskaas 70% iyo dhimashada 85% waxay saameeyeen carruurta da’doodu ka yar tahay 15 sano. Xaaladda caafimaad ee Congo ayaa ka sii daraysa iyadoo dhibaatooyinka caafimaad ee dalkaas ay ka mid yihiin nafaqo-xumo, jadeeco, iyo shuban-biyood.

Inkastoo Soomaaliya aysan weli soo sheegin kiisaska cudurkan. Sahra Ciise Maxamed, madaxa la socodka iyo ka jawaabista cudurrada faafa ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ololayaal wacyigelin ah oo dadweynaha loogu talagalay ay iska kaashadeen wasaaradaha caafimaadka ee gobollada. Dadaalladan ayaa diiradda saaraya sidii bulshada loogu wargelin lahaa calaamadaha cudurka mpox iyo sida ay muhiimka u tahay in qofkii isku arka calaamadahaas uu si dhaqso leh u raadsado daryeel caafimaad. Sidoo kale, shaqaalaha caafimaadka ee guud ahaan dalka ayaa loo tababaray si ay u aqoonsadaan ugana hortagaan kiisaska mpox.

Cudurka Mpox, oo markii hore loo yaqaanay furuqa daanyeerka, ayaa dhowaan ka soo ifbaxay nooc cusub oo ka dillaacay DRC, kaasoo leh heer dhimasho oo u dhaxeeya 3-4%. Noocan cusub ayaa ku faafa si dhaqso leh, waxa uuna leeyahay calaamado fudud, taasoo adkeyn karta in si sahlan loo ogaado, iyadoo la kordhinayo halista uu cudurku ku faafi karo dad kale. Inkastoo dadaallo laga sameeyay qaarada kale ee adduunka, haddana Afrika waxaa si weyn ugu yar tallaallada, iyadoo DRC weli sugeyso 4 milyan oo tallaal ah oo ay dalbatay. Faafitaanka cudurka mpox ee xeryaha qaxootiga ee bariga Congo ayaa sii adkeynaya dadaallada lagu xakameynayo.

Khubarada caafimaadka ee caalamiga ah, oo uu ku jiro Agaasimaha Guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa walaac xooggan ka muujiyay in cudurka mpox uu ku sii faafo Afrika haddii aanan si degdeg ah loo qaadin tallaabooyin caalami ah. Ku dhawaaqista xaaladda degdegga ah ee WHO ayaa loogu talagalay in lagu kiciyo jawaab caalami ah oo wadajir ah, oo ay ka mid yihiin kormeerka, baaritaannada, iyo qaybinta tallaalka dadka ugu nugul.

Iyadoo Soomaaliya ay ku jirto heegan sare, haddana dadaalka dowladda ee ka hortagga cudurkan soo koraya wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta dalka. Si kastaba ha ahaatee, waxtarka tallaabooyinkan ayaa si weyn ugu xirnaan doona sida ay beesha caalamka uga jawaabto xaaladda degdegga ah ee ka taagan Afrika, halkaas oo baahida taageero ay tahay mid aad u degdeg ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed