DFS oo Safiirka Itoobiya ku amartay in uu dalkiisa la tashi ugu laabto

Qaraar ay maanta soo saareen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu amray in xiro muddo todobaad ah dhammaan Qunsuliyadaha ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyika Garoowe iyo Hargeysa, ka dib faragalinta ay Itoobiya ku hayso Qarannimada.

Go’aanka ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada ayaa u dhignaa sida tan:-

  1. Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.
  2. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.

QODOBKA 2AAD

XADGUDUBYADA

  1. Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.

QODOBKA 3AAD DHAQANGALKA

  1. Wasaarada arrimaha dibedda waxaa la farayaa in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.
  2. Qaraarkaan waxa uu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna saxiixo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed