DFS oo saartay qiimaha lagu xajinayo sanadkan

War kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay qiimaha Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1445 Hijriya oo waafaqsan 2024 laga doonayo in ay kusoo xajiyaan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamtay in guddi khubaro gudaha & dibadda joogta loo xilsaaray si xubnahaan ay usoo qiimeeyaan qidmadda ku baxaysa Xujayda Soomaaliyeed.

Guddigaas ayaa isu geeyay kharashka Xaajiga ku baxaya laga billaabo gudaha Soomaaliya ilaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya taas oo qaadatay muddo labo bil ah (60 cisho ah) uu guddigu kusoo gudbiyay qiimaha xujayda looga baahan yahay.

Lacagta xaajiga sanadkaan xajka u ambabaxaya laga doonayo waa $4,434 iyada oo Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay fartay shirkadaha Diyaaradaha ee sanadkaan ku guulaystay tartankii loo qabtay in ay fuliyaan arrintaan.

“Wasaaraddu waxa ay u xilsaartay Guddi Khubaro ah si ay usoo sameeyaan daraasad qiimayn ah oo isugu jirta Gudaha Dalka Soomaaliya & Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Sidaas darteed Guddiga markii uu isu geeyay kharashaadka Adeegga Xajka ee Gudaha Sacuudiga iyo gudaha Dalkeenna kaddib markii la sameeyay daraasad qaadatay muddo labo bilood ah (60 cisho) waxa uu soosaaray qiimaha sanadkaan lagu xajinayo ooo ah $4,434.648 Senti” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS.

Soomaaliya waxaa sanad weliba ka baxda xujay badan si ay usoo gutaan rukniga shanaad ee Arkaanta Islaamka oo ah in qofkii awooda uu tago Xajka, waxaana isugu taga Muslimiin ka kala socda Dalal badan, Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS ayaa sheegtay in sanadkaan ay wax badan ka baddeshay tabashooyinkii kasoo laabtay sanadkii hore.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed