DFS oo qirtay in la jabsaday xogta E-visa

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in la qabsaday xogta rabaabka u safraya Soomaaliya ee isticmaalay dal-ku-galka elektaroonigga ah ee E-visa.

Hay’adda ayaa sheegtay in markii ay ogaatay arrintaas ay qaaday tallaabooyin degdeg ah oo lagu hakiyay laguna baarayo falkan, si loo yareeyo saameynta uu yeelan karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa xustay in ay arrintan u magacowday guddi baaritaan oo heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, Khuburo caalami ah iyo hay’adaha dowliga ah ee quseyso ilaalinta xogta.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxay sheegtay in markii baaritaanka la soo gabagabeeyo la soo saari doono warbixin dhammeystiran oo faahfaahinaysa natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay iyo tallaabooyinka saxidda ah ee la qaaday.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa maalmo ka hor sheegtay in la jabsaday nidaamkii E-visa, iyadoo la xaday xogta ku dhowaad 35 kun oo qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed