DFS oo qeyb ka ah shirka 21-aad ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 21-aad ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika.

Shirka oo kan heer madaxweyne maanta furmay ayaa diiradda waxaa lagu saarayaa dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan.

Sidoo kale madaxda ayaa inta uu shirka u socda waxa ay ka wada doodi doonaan nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaysanayo quburo loo xilsaaray, xilli horay loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay ee 2023-kii.

Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, sanadkaan waxaa ku soo biiray deeq bixiyeyaal cusub oo maalgalin doona hadafka horumarineed ee wadamada dhaca Bariga Afrika.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa waxa uu diiradda saaray muhiimada ay u lee dahay dhaqaalaha Soomaaliya Isku xirka Wadamada Gobolka, taas oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadi doonto soo saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed