Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay oo uu horkaacayo ku xigeenka Ergeyga QM ee Soomaaliya George Conway.
Kulanka ayaa ahaa mid looga arrinsaday xaalada abaaraha ee laga soo sheegayo qeybo ka mid ah gobolada dalka iyo qorshaha ku aadan sidii looga jawaab celin lahaa baahiyaha baniiโaadannimo ee 2025 iyo xoojinta wada shaqeynta hayโadaha gargaarka iyo SoDMA.
Dhinacyada ayaa sidoo kape kulanka iskula meel dhigay in la qabto shir guud oo looga hadlayo dhaqaalo aruurin la xariirta, sidii jawaab deg deg ah looga bixin lahaa baahiyaha dadka u nugul dhibaatada.
Guddoomiyaha Hayโadda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Wakiiladda ka socday Qaramada Midoobay ku booriyay iney xoojiyaan dadaalada kaalmeynta danyarta iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa hayโadaha gargaarka.
Ugu dambeyntii kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in dalka uu galay marxalad abaar, kadib markii uu baaqday xili roobaadkii Deyrta ee la filayay bilihii September, October iyo November ee sanadkii tagay 2024, islamarkaana loo baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn.