Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iney si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ruunirgood.
Ciidamada is kaashanaya ayaa ku guuleystay iney burburiyaan fariisinahii kooxdu ku laheyd mudooyinkii lasoo dhaafay deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamadu ka wadaan gudaha deegaanka Ruunirgood howlgallo lagu xaqiijinaayo amniga deegaanka.
โCiidamada, oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa saaka aroortii hore bilaabay howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, kuwaas oo hadda firxadkooda la dabajoogoโ ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.
Dib ula wareegista deegaanka Ruunirgood ayaa ka dhigan inuu sii xoogeysanayo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee bilahii lasoo dhaafay ka socday gobolka Shabeelaha Dhexe.