Kulan u dhaceeya Dowladda Federaalka Soomaalya, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Deeq bixiyayaasha ayaa maanta ka qabsoomay Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray maalgelinta iyo fulinta Qorshaha Qaranka , iyaga oo isla gorfeeyeen sida uu qorshuhu u yeelan lahaa natiijo bulshada faa’iido u leh.
Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay agaasimayaasha iyo maareeyeyaasha guud ee hay’adaha Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyada oo lagu bandhigay madaxda hay’adaha iyo deeq bixiyayaasha shaqadii laga qabtay Qorshaha Qaranka iyo sida dowladda ay uga go’antahay fulinta qorshahan.
Dhanka kale, waxaa loo jeediyay deeq bixiyayaasha in dhaqaalaha ay ku taageeraan dowlada Soomaaliya la marsiiyo sanduuqa Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
Kulanka ayaa ahaa midkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, Deeq-bixiyayaasha Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya intii uu socday Qorshaha Isbeddelka Qaranka.