Soomaaliya ayaa ku baaqday in si buuxda loo dhowro oo loo dhaqan geliyo heshiiska nabadda ee ay dhawaan kala saxiixdeen Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo kooxda M23, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo muhiim u ah soo afjaridda colaadaha muddooyinka dheer ka taagnaa bariga dalkaasi.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu yahay fursad lagu dhisi karo kalsooni, lagu joojin karo dagaalka, isla markaana lagu abuuri karo xaalado nabadeed, si loo soo celiyo dadkii barakacay.
Soomaaliya ayaa u mahadcelisay Dowladaha Qadar iyo Mareykanka oo door muuqda ka qaatay fududeynta wada-hadalladan, kuwaas oo horseeday is-afgarad siyaasadeed.
Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay in ay garab taagan tahay dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu xalliyo sababaha colaadda, laguna taageero geeddi-socod nabadeed oo waara oo ka hirgala dalka Congo.

